Halista cudurrada sonkorta?

Halista cudurrada sonkorta?

 Sonkortu waa mid ka mid ah ilaha uu qofku ka helo tamarta, laakiin badsashadeedu waa albaabka cudurrada khtarta ah oo dhan, sida uu haboonina waa in la iska daayo isticmaalkeeda, gaar ahaan marka uu miisaanka qofku ka weyn yahay inta loo ogol yahay caafimaad ahaan.

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO, sanduuqa caalamiga ah ee cilmi-baarisaha kansarka, machadka mareykanka ee darasaadka kansarku iyo xarumo kale oo caafimaad ayaa ku taliyey in xaddiga ugu badan ee sonkorta uu qofku maalintii uu isticmaalayaa ay noqoto 25 giraam.

Taas oo u dhiganta 4-5 qaandada yaryar ee shaaha ah, waxaa kale oo ay ka digeen, isticmaalka cabitaanada sonkortu ku sameysan tahay, sida cabitaanka soodhaha leh.

Sonkortu waxay xiriir la leedahay, xanuunada ay ka mid yihiin; xiiqda, macaanka, miisaanka badan, wadne xanuunka, xaaladaha nafsiga ah, dhiigkarka, wadne istaaga, Dhiig-furanaka maskaxda, suuska ilkaha iyo sidoo kale todobo nooc o ka mid ah kansarka, sida kansarka naasaha, kansarka qanjirka ragga ee prostate ka iyo kansarka ganaca.

Post a Comment

0 Comments