Ramadaanka iyo miisaan dhimista!


Bisha ramadaan waxay ka mid tahay fursadaha ugu fiican ee miisaan dhimista, inkasta oo ay dadka ku kala duwan yihiin xaddiga miisaanka dhacaya.

Dadka qaar waxaa ka dhaca miisaan laban-laab ka badan miisaanka ka dhaca bisha aan soonka ahayn. 

Si kasta ha ahaatee, waxaa jira xaalada caafimaad oo adkeeya ama ka hor istaaga dhicista miisaanka ama gubista duufaanka jirka, suda qanjo xanuunka tayroodka loo yaqaano, oo aan la iska daaweyn, faytamiinka qofka hoos u dhaca, sida faytamiin d  ama in ay hoos u dhacaan macdanaha jirka qaarkood, sida xadiidka(Iron).

Hadaba waxaa jira caadooyin dib dhiga ama adkeeya in miisaanku dhaco bisha soon, waxaa ka mid ah; cabista badan ee cabitaanka qudaarta shiidan ee dabiicaga ah(casiir), cunista contooyinka shiilan sida sambuuska, macmacaanka iyo xalwada, iwl.

Sababaha kale ee hor istaaga dhicista miisaanka waxaa ka mid ah in qofku iska daayo suxuurta cunisteeda oo uu bilaa suxuur ku soomo.



Post a Comment

0 Comments